Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Maxamad Aadan Khaliif ayaa sheegay in aysan shaqo kale qabin karin shaqaalaha dowlad deegaankaasi oo aan ka ahayn u adeegidda bulshada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in uu tallaabo ka qaadi doono howlwadeennada ismaamulkaasi ee aan si hufan ugu shaqeyn dadweynaha Mandera.
Maxamad Adan Khaliif ayaa cidii ay ku adag tahay in ay bulshada ugu shaqeyso gudaha Mandera u sheegay in ay meel kale shaqo u raadsato.
Waxaa uu tilmaamay in aynan suurtagal ahayn in qofka shaqaalaha uu joogo Nairobi oo ayna dadweynaha ku sugayaan Mandera si uu adeeg ugu fidiyo.
Barasaabka Mandera ayaa hadalkan jeediyay xilli uu daah furayay deeqda ardayda looga bixiyo qarashaadka waxbarashada ee bursary-ga.