Guddoomiyaha ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo junior ayaa ka laabtay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee dowlad deegaankaasi.
Tani ayaa timid ka dib tabashooyin ay dadweynaha ka muujiyeen qorshahan.
Shacabka ayaa walaac ka muujiyay in hindise sharciyeedka maaliyadda ee Makueni lagu soo jeediyay kordhinta canshuuraha.
Barasaabka Makueni ayaa warbaahinta u sheegay inuu hindisahan meesha ka saaray ka dib markii la helay xog sirdoon oo tilmaamaysa in rayidka ay qorsheynayeen dibadbaxyo.