Barasaabka ismaamulka Makueni, Mutula Kilonzo Junior ayaa dowladda ugu baaqay inay heshiis la gaarto ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU oo ay xubnihiisa maalinkii labaad ku guda jiraan shaqo joojin qaran.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto iyo xildhibaannada baarlamaanka ku boorriyay in ay hakiyaan dhaqangelinta mashaariicda horumarineed ee aan degdegga ahayn si miisaaniyad loogu helo dhakhaatiirta.
Saraakiisha caafimaadka ayaa dalbanaya in dallacsiin loo sameeyo sidoo kalena la shaqaaleysiiyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maray tijaabada shaqo.
Guddoomiyaha Makueni ayaa ka digay in dowladdu ay maxkamadaha u adeegsato in dhakhaatiirta la aamusiiyo.
Waxaa uu dhanka kale saraakiisha caafimaadka u soo jeediyay in ay fursad siiyaan wada hadallada lagu soo afjaraya ismari waaga jira.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Barasaabka Makueni oo dowladda ugu baaqay inay xalliso tabashooyinka dhakhaatiirta