DHAGEYSO:Barasaabka Machakos oo soo dhaweysay xafiiska loo furaya madaxa mucaaradka

0
279

Guddoomiyaha ismaamulka Machakos ,Wavinya Ndeti ayaa soo dhaweysay qorsho uu madaxweynaha dalka William Ruto u bandhigay baarlamaanka oo ah in la soo dhiso xafiiska rasmiga ee madaxa mucaaradka.
Wavinya ayaa carrabka ku adkeysay in hirgelinta xafiiskan iyo dowladda oo miisaaniyad u qoondeysay ay xoojin doonto dimuqraadiyadda wadanka.
Waxay intaasi ku dartay in garabka mucaaradka ee dalka uu awood buuxda u yeelan doono la xisaabtanka dowladda talada haysa.