DHAGEYSO:Barasaabka Kwale oo sheegtay inay la shaqeynayaan hay’adaha horumarka

0
310

Guddoomiyaha ismaamulka Kwale Faatuma Maxamad Achani ayaa sheegtay in maamulkeeda uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo hay’adaha horumarka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay wanaajinta nolosha shacabka halkaasi ku nool.
Barasaabka Kwale ayaa xilli ay daahfureysay mashaariic horumarineed carrabka ku adkeysay in marka uu hoggaan wanaagsan jiro uu ismaamulka horumar wax ku ool ah gaari karo.