Guddoomiyaha ismaamulka Kwale ee gobolka Xeebta Fatuma Maxamad Achani ayaa sheegtay in dowlad deegaankaasi aan laga mamnuuci doonin in la soo geliyo, lagu dhex iibiyo ama lagu dhex isticmaalo nooca qaadka ee loo yaqaano Mogokaa.
Waxay sheegtay in kastoo ay barasaabyada Mombasa iyo Kilifi ku taageersan tahay la tacaalidda balwadda haddana in aynan qaadan doonin go’aan la mid ah midkii ay dhawaan shaaciyeen hoggaamiyaasha ismaamulladaasi.
Tani ayay u aaneysay sababo dhanka sharciga ah oo jira.
Waxay dhanka kale cid kasta ugu baaqday in ay mas’uuliyad iska saarto sidii wax looga qaban lahaa isticmaalka xad dhaafka ah ee maandooriyaha.