Guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ka codsatay inuu heshiis la gaaro ku xigeenkiisa William Ruto.
Waxay sidoo kale u soo jeedisay inuu soo afjaro taageerrada uu u muujinayo musharraxnimada madaxweynenimo ee Raila Odinga.
Waiguru ayaa hoosta ka xarriiqday in shakhsiyaad aynan magacdhawin oo u dhow madaxweynaha aysan runta u sheegin xilli ay ka dhaadhiciyeen in codbixiyeyaasha gobolka bartamaha dalka ay siyaasad ahaan raacsan yihiin ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya.
Waxay barasaabka Kirinyaga ku celcelisay in la adeegsanaya siyaasad sumcad dil ah oo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto balse taasi aan lagu guulaysan doonin.