DHAGEYSO:Barasaabka Kakamega oo ku baaqay in Ruto iyo Raila ay wada hadlaan

0
276

Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa ayaa madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga kula taliyey inay yeeshaan wada xaajood shuruudo la’aan ah.
Waxaa uu ku baaqay in ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua aan laga qayb gelin wada hadallada maadaama uu ku eedeeyay in mowqifkiisa adag uu xaaladda ka sii dhigaya mid cakiran.

Mr.Barasa ayaa dhanka kale ciidamada ammaanka uga digay inay awood xad-dhaaf ah adeegsadaan marka ay ka falcelinayaan dibadbaxyada.