Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa oo ka tirsan xisbiga ODM ayaa sheegay in aan marnaba laga hor istaagi karin inuu la shaqeeyo maamulka madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaynan jirin cid u diidi karta in isagoo kaashanaya dowladda sare uu horumar gaarsiiyo shacabka Kakamega.
Waxaa arrinkan ku taageeray guddoomiye ku xigeenkiisa Ayub Savula.