DHAGEYSO:Barasaabka Kakamega oo beeniyay inuu ku biiraya Kenya Kwanza

0
260

Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega ,Fernandes Barasa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu qorsheynaya inuu iskaga baxo xisbiga ODM oo uu ku biiro isbeheysiga Kenya Kwanza.
Waxaa uu difaacay kulan uu la qaatay madaxweynaha dalka William Ruto oo dhawaan Kakamega socdaal ku tagay.
Barasa ayaa hoosta ka xarriiqay in isaga iyo Ruto ay iska kaashanayaan arrimaha horumarka sidaas awgeedna kulankooda uunan siyaasad ku saleysnayn.
Xilli uu ka hadlayay mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo ismaamulka Kakamega ayuu barasaabka tusaale u soo qaatay ballaarinta garoonka yar ee diyaaradaha ee deegaanka Shinyalu.