DHAGEYSO:Barasaabka Garissa oo ka tacsiyadeeyay geerida dadkii ku naf-waayay doonidii ku qallibantay Kona Punda

0
385

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Adan ayaa u tacsiyeeyay qoysaska iyo asxaabta 19 qof oo la rumeysan yahay inay ku dhinteen doonidii shalay ku qallibantay deegaanka Kona Punda ee ku teedsan wadada Mororo iyo Madogo.
Barasaabka Garissa ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay shilkaas nasiib-darrada ah, waxa uuna ku tilmaamay dhacdadan mid murugo leh.
Gudoomiyaha oo uu weheliyo ku xigeenkiisa Cabdi Daqane ayaa hadalkan ka sheegay mar ay saaka kormeer ku tageen qaybta laamiga ah oo ay wadada ka go’antahay .
Doonida ay dadka ku dhinteen ayaa lagu qiyaasay in ay saarnaayeen in ka badan 50 qof xilliga shilku dhacayay
23 qof ayaa la soo badbaadiyay sida laga soo xigtay hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society waxaana ilaa iyo hadda la helay afar meydad ah.
Guddoomiye Nathiif Jaamac ayaa kula dar daarmay shacabka Gaarisa iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari in ay muujiyaan dulqaad oo aysan xilligan halis u gelin safarka gaar ahaan marka ay u socdaalayaan qeybo ka mid ah dalka.
Dhinaca kale Barasaabka waxa uu xukuumada qaranka ugu baaqay inay la timaado xal waara oo ku haboon wadada isku xirta mororo iyo Madogo oo mar kasta oo roob da’o ay biyo xiraan sidoo kalena in biyo Xireennada ay keenaan fatahaado burbur u gaystaa wadada isku xirta Nairobi iyo Garissa.
Waxaa uu intaas ku daray baarsaabka Garissa in si deg deg ah loo soo xiro qofkii lahaa doontaasi si talaabo sharciyeed looga qaado iyadoo laamaha ammaanka ay sheegeen in ay ku raadjoogaan mulkiilihii lahaa doonta shilka dhalisay kaasi oo dhuumaalaysanaya.