DHAGEYSO:Barasaabka Busia oo madaxweynaha iyo Raila ugu baaqay inay wada hadlaan

0
303

Guddoomiyaha ismaamulka Busia Dr.Paul Nyongesa Otuoma ayaa madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga kula taliyey inay isugu yimaadaan miiska wada hadalka.
Barasaabka ayaa madaxda diimeed ka codsaday inay door ka qaataan sidii la iskugu keeni lahaa labada mas’uul iyadoo aan wax shuruudo ah la isku xirin.
Otuoma ayaa hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in la isku tanaasulo iyadoo aan la eegayn cidii ku guulaysatay doorashadii guud si xal loogu helo hoos u dhaca dhaqaale iyo ismari waaga siyaasadeed ee wadanka ka jiro.