DHAGEYSO:Barasaab ku xigeenka Mandera oo ka hadlay qiimaha sarreeya ee duullimaadka

0
154

Barasaab ku xigeenka ismaamulka Mandera Dr. Cali Macallin oo xalay shir jaraaid ku qabtay magaalada Mandera ayaa waxaa uu ka hadlay qiimaha sare ee lagu raaco diyaaradaha u kala goosho Mandera iyo Nairobi.
Waxaa uu sheegay inay guddi ka kooban 11 xubnood u saareen in qiimahan lagu soo celiyo sidii hore.
Guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Mandera ayaa shacabka ugu baaqay inaynan marnaba oggolaan qiimaha sarreeya ee duullimaadka isku xiro Nairobi iyo Mandera oo maalmihii ugu dambeeyay noqday 26,000 oo shilin.