Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka Ayub Savula ayaa madaxweynaha wadanka William Ruto iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ugu baaqay inay wada fadhiistaan oo ay ka arrinsadaan yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Lugari ee Kakamega ayuu Savula walaac ka muujiyey qiimaha sii kordhaya ee cuntooyinka oo uu xusay inuu culeys dheeraad ah ku yahay dadweynaha.