Bangiga Gulf ayaa maanta xariga ka jaray xaruntiisa ugu weyn ee xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Xarunta ayaa maanta laga furay suuqa weyn BBS ee xaafadda Islii.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee bangiga Gulf ayaa warbaahinta Star la hadlay.
Dhanka kale, wakiilka deegaanka hoose ee waqooyiga Islii Axmadqadar Dabar oo munaasabaddan ka qayb galay ayaa bangiga Gulf ka codsaday inuu ka qayb qaato nadaafadda iyo bilic soo celinta xaafadda.