Madaxa kaniisadda Anglican Church , Jackson Ole Sapit ayaa hoggamiyaasha siyaasadeed ku boorriyay inay fadhiistaan oo ay ka wada hadlaan dib u soo dhiska guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Waxaa uu baadarigan carrabka ku adkeeyay in qaabka loo shaqaaleysiinaya saraakiisha cusub ee IEBC la doonayo inuu noqdo mid ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada kala duwan.
Sapit ayaa sidoo kale soo jeediyay in wada hadallada dowladda iyo mucaaradka looga arrinsado wax ka qabashada qiimaha sarreeya ee maciishadda iyo sinnaan la’aanta dhanka bulshada iyo dhaqaalaha.
Sapit ayaa sheegay in qaran ahaan la doonayo in meesha laga saaro waxyaabaha kala geynaya muwaadiniinta ama naga hor istaagaya in aan horumar sameyno.
Dhanka kale madaxa kaniisadaha katholigga ee dalka Martin Kivuva ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqay inay fursad siiyaan wada hadallada kala dhexeynaya dowladda oo aynan dib u billaabin mudaaharaadyada ay hakiyeen.