DHAGEYSO:Azimio oo dooneysa in maxkamadda sare meesha ka saarto dacwado ay gudbiyeen Moses Kuria iyo Reuben Kigame

0
602

Wakiillada matalaya isbeheysiga siyaasadeed ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa doonaya in maxkamadda sare ay meesha ka saarto laba dacwadood oo ay soo gudbiyeen xildhibaankii hore ee deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu Moses Kuria iyo Reuben Kigame, oo ahaa fannaan hore iyo siyaasi kaas oo ku jiray tartanka xilka madaxtinimo ka hor inta aysan guddiga IEBC ka hor istaagin inuu loolanka ka qaybgalo.
Hoggaamiyaha xisbiga Chama Cha Kazi, Moses Kuria ayaa maxkamadda sare u gudbiyay dacwad uu ku doonaya in ay baabi’so dacwadda uu gudbiyay Raila Odinga.
Reuben Kigame ayaa gudbiyay dacwad uu ku doonaya in doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday 9-kii bishan aysan sifo sharci oo dastuuri ah ku dhicin.
Hasa ahaate wakiillada matalaya musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ayaa labada dacwadood ay gudbiyeen Moses Kuria iyo Reuben Kigame doonayaan in daaqadda laga tuuro.
Mid ka mid ah wakiillada matalaya isbeheysiga Azimio oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay maxkamadda ka doonayaan in meesha ka saarto dacwadahan ka hor inta aan la dhageysan dacwadda natiijada ka soo baxday xilka madaxtinimo.