DHAGEYSO:Ass qaran oo Muqdisho loogu sameeyay sarakiil xalay qarax lagu dilay

0
747

Waxaa Maanta qabuuro ku yaalla gudaha Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Waaberi iyo Taliye ku-xigeenkii qeybta Booliska Weliyow Cadde oo xalay qarax lagu dilay.
Aaska loo sameeyay Marxuum Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane iyo Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, Mas’uuliyiin kale oo dowlada ka tirsan, Ehelada iyo dadweyne badan.
Saraakiisha Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta ka qeyb galay Aaska Saraakiisha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir iyo Taliye ku-xigeenkii qeybta Weliyow Cadde ayaa Xalay Fiidkii ku geeriyooday qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday, xili ay ku sugnaayeen Saldhiga Booliska Demada Waaberi.
Qaraxaas ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay Askar ka tirsaneyd Ciidanka Booliska iyo dad shacab ah oo xiligaas marayay wadada, waxaana ku dhaawacmay 6 qof oo isugu jira Askar iyo shacab, kuwaasoo lagu dabiibayo Isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka booliska iyo Ehellada Saraakiisha ayaa Goobta Aaska warbaahinta kula hadlay.

Weerarkaan Xalay Saraakiisha Ciidanka lagu dilay ayaa waxaa ka Tacsiyadeeyay Madaxda dowlada Soomaaliya ugu Saraysa sida Madaxweyne Farmaajo,Ra’isulwasaare Rooble,Taliska Booliska,Xildhibaano iyo Madaxkale oo dowlada Soomaaliya ka tirsan.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka waxaay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad walxaha qarxa, iyagoona sheegay inay ku dileen Taliyeyaal Boolis ah, ayna ku dhaawaceen Taliye ku-xigeenka guud ee Ciidanka Booliska Gobolka.