DHAGEYSO:Askari maalmo ka hor nin bajaajle ah ku dilay degmada Balcad oo dil lagu xukumay

0
380

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya dil ku xukuntay, ka dib markii maalmo ka hor uu meel u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay darawal mooto bajaaj ah.
Askariga maanta dilka lagu xukumay ayaa lagu magacaaba Xasan Juulle.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa xukunka maxkamadda sidatan ugu dhawaaqay.

Dhanka kale, waxaa go’aanka maxkamadda soo dhaweeyay aabaha dhalay askariga dilka lagu xukumay