Maxamad Khaliif Nuur oo inta la ogyahay ah ardayga buundada ugu wanaagsan ee imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare KCSE-da ismaamulka Mandera ka soo hooyay oo helay A- una dhiganta 76 dhibcood ayaa sheegay inuu caqabado badan wajahayay balse uu ku farxay guusha uu gaaray.
Waxaa uu waxbarashadiisa ka dhameeyay dugsiga sare ee Mandera Secondary School ee MSS, dareenkiisa ayuu sidatan ula wadaagay warbaahinta .
Sidoo kale natiijada uu helay Maxamad Khaliif waxaa u riyaaqay ayeeydiisa iyo awoowgiis oo soo barbaariyay.




