DHAGEYSO:Ardayda waqooyi bari oo helaya fursad ay wax uga bartaan dugsiyada qaran

0
878

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in xulashada ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiyada sare loo sameyn doono qaab caddaalad ah.
Waxaa uu caddeeyay in xita ardayda ka soo jeedo deegaannada xoolo dhaqatada sida Garissa, Wajeer iyo Mandera ee helay buundooyin wanaagsan ay ku biiri doonaan dugsiyada sare ee heer qaran ah.
Magoha ayaa ku celceliyay inay qasab tahay in marka dugsigu uu National ama mid qaran yahay ay ardaydiisu ka soo jeedaan dhammaan ismaamullada dalka.
Xilli uu wasiirku arrimahan ka hadlayay ayuu yiri.

Wasiirka waxaa uu xusay in ismaamul kasta la siin doono tiro gaar oo ah ardayda imtixaanka ka soo hooyay natiijooyinka wanaagsan.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in haddii uu ardaygu doortay dugsiyo badan oo heer qaran ah ay taasi saameyn karto balse ugu dambeyn uu ku biiraya xarunta suurtagalka ah.