Waxaa deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa lagu qabtay xaflad lagu daahfurayay barnaamij uu xildhibaanka deegaankaasi Faarax Macallin Maxamad, dhammaan ardayda dhigata dugsiyada sare ee dowliga ah uu uga bixinaya qarashaadka waxbarashada isagoo adeegsanaya sanduuqa qaran ee horumarinta deegaan baarlamaneedyada ee NG-CDF.
Waxaa arrinkan soo dhaweeyay ardayda, waalidiinta iyo bahda waxbarashada sida uu faahfaahinaya Maxamad Baaruud Xuseen oo warbixintan Dadaab ka soo diray.




