DHAGEYSO:Arday ka soo jeedo Garissa oo KCSE-da ka soo hooyay buundada A Plain

0
461

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay natiijada ka soo baxday imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da oo ay sanadkii hore u fadhiisteen 884,263 oo arday ah.
Waxaa buundada ugu sarreysa ee A Plain helay arday ay tiradoodu tahay 1,146 waxaana ka mid ah Maxamad Aamiin Cabdi Sambuur oo waxbarashadiisa ka dhameeyay dugsiga sare ee Al-Azaar ee magaalada Garissa oo dareenkiisa la wadaagay warbaahinta Star.

Sidoo kale ardayda helay buundooyinka wanaagsan ee KCSE-da waxaa ka mid ah gabdhahan oo inoo warramay.

Maamulaha dugsiga sare ee Al-Azaar ee magaalada Garissa Axmad Cabdullahi oo isna sheegay inuu ku farxay natiijada ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada ardayda iyo buundooyinka ay kala heleen.

Dugsiyada kaalimaha hore ka galay iskuulada ku yaallo magaalada Garissa marka la eego natiijada imtixaanka KCSE-da ee maanta la shaaciyay waxaa ka mid ah dugsiga sare ee Horseed secondary.
Maamulaha dugsigan Macallin Xuseen Diiriye ayaa faahfaahin ka bixiyay natiijada ardayda.

Dhanka kale qaar ka mid ah ardeyda imtixaanka KCSE-da ka sameeyay xeryaha qaxootiga ee Dadaab ayaa dhibco wanaagsan helay sida uu ku soo warramaya Maxamad Baaruud Xuseen.