DHAGEYSO:Aqalka sare oo su’aalo weydiin doono agaasimaha shirkadda First Choice

0
378

Guddiga gaar ah ee aqalka sare ayaa maanta su’aalo weydiin doono agaasimaha shirkadda First Choice Judy Jepchirchir.
Haweeneydan ayaa wax laga weydiinaya malaayin lacag oo laga khiyaanay tobaneeyo dhallinyaro oo ay shirkaddan u sheegtay inay fududeynaysa inay tagaan dalal ay Qatar ka mid tahay si ay halkaasi uga soo shaqeeyaan.
Qoysaska ay arrintan saameysay ayaa ku andacoonaya in shirkadda First Choice ay ku waayeen malaayiin lacag ah.
Waxaa ay dowladda ka codsadeen inay gacanta ku soo dhigto madaxda shirkaddan oo lacagahooda ka khiyaanay si looga qaado tallaabo sharciyeed.