DHAGEYSO:ANC oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray xoghayaha guud ee UDA

0
324

Madaxa xisbiga ANC ahna barasaabka ismaamulka Lamu , Issa Timamy, xoghayaha guud ee ku meel gaarka ah ee xisbigan Beatrice Adagala iyo guddoomiyaha xisbigan Kelvin Lunani ayaa gaashaanka u daruuray hadal uu dhawaan jeediyay xoghayaha guud ee xisbiga UDA, Cleophas Malala oo ahaa in xisbiyada ka tirsan isbeheysiga Kenya Kwanza laga doonaya inay ku biiraan UDA.
Mas’uuliyiintan ayaa si cad u sheegay in xisbiga ANC uunan hadda iyo mustaqbalka labaduba ku biiri doonin UDA oo haysa talada dalka.