Waxaa maanta si wayn loo adkeeyay amniga magaalada Nyahururu ee ismaamulka Laikipia oo ay madaxweynaha dalka William Ruto, ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ay uga qayb galayeen munaasabad kaniiseed.
Tani ayaa timid ka dib markii dhallinyarada dibadbaxa sameynaya ee ka soo horjeeda ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 ay sheegeen in aynan siyaasiyiinta u oggolaan doonin in ay hadallo ka jeediyaan kaniisadaha.
Madaxweyne William Ruto ayaa madaxda diimeed iyo shacabka ka codsaday in ay isaga iyo ku xigeenkiisa u duceeyaan si ay ugu guulaystaan hoggaaminta waddanka.
William Ruto ayaa sheegay in sanadkan gudihiisa ay dowladdu shaqaaleysiin doonto 20,000 oo barayaal ah.
Waxaa uu tilmaamay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay dhageysato tabashooyinka dadweynaha.
Waxaa kaniisadda gudaheeda lagu arkayay qof dhallinyaro ah oo isagoo sita calanka Kenya ku dhawaaqaya in lagu gacan seyro hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.