DHAGEYSO:Ammaanka ismaamulka Kwale oo si wayn loo adkeeyay

0
173

Isku duwaha dowladda dhexe ku matasho gobolka Xeebta ee dalka Rhodah Onyancha ayaa sheegtay in si wayn loo sugay amniga ismaamulka Kwale oo uu qorshuhu yahay in maanta lagu qabto xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day oo sanad kasta gudaha Kenya looga dabbaal dego 20-ka bisha Tobnaad .
Xuskan ayaa lagu maamuusaa halyeyadii u soo halgamay xurriyadda waddanka.
Dabbaal deggan oo noqonaya midkii 61-aad ayaa lagu qaban doonaa fagaaraha Kwale Stadium oo ay adeegsan karaan ilaa 10,200 oo qof.
Onyancha ayaa hoosta ka xarriiqday in la qaadaya tallaabooyin lagu fududeynaya ciriiriga dhanka isku socodka gaadiidka.
Waxay intaasi ku dartay in albaabada fagaaraha la furi doono laga billaabo 4-ta aroornimo ee berri iyadoo ay dadweynaha goobtaasi ka geli doonaan labo irridood.
Dadweynaha ayaa lagu wargeliyay in ay fadhiistaan ugu dambeyn 7-da subaxnimo si loo billaabo howlaha madadaalinta ka hor inta uunan khudbad jeedin madaxweynaha dalka William Ruto.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Xeebta Rhodah Onyancha oo arrintan ka hadlaysa ayaa tiri.

Barasaabka ismaamulka Kwale , Fatuma Maxamad Achani ayaa dhankeeda xustay in ay kenyaanka kale ku soo dhaweynayaan dowlad deegaankaasi si ay goobjoog uga noqdaan horumarrada uu horseeday hannaanka dowlad wadaajinta.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Kwale oo markii ugu horreysay lagu qabanaya dabbaaldeg qaran ayaa madaxweyne William Ruto ka codsaday inuu oofiyo waxyaabihii uu u ballan qaaday shacabka gobolka Xeebta.

Afhayeenka dowladda sare , Isaac Mwaura ayaa dhankiisa sheegay in hal-ku dhigga xuska qaran ee halyeeyada ee sanadkan uu yahay hooyga la awoodi karo ee ay dowladdu dhisayso.