DHAGEYSO:Alfred Mutua oo ka codsaday madaxweynaha dalka inuu xakameeyo kharashaadka dowladda

0
688

Barasaabka ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa ka codsaday madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta inuu yareeyo kharashaadka ku baxa maamulkiisa ee loo adeegsado waxyaabo aan dani ugu jirin kenyaanka sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay safarrada aan loo baahneyn oo ay madaxda qaar ugu baxaan dalalka dibadda.
Waxaa uu xusay in dhaqaalaha dowladda loogu adeego shacabka.

Waxaa uu dhanka kale kenyaanka ka codsaday in taageeraan geeddisocodka la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka ee loo yaqaano BBI.
Guddoomiyaha Machakos ayaa sheegay in geddiscodkan uu dhanka dowlad wadaajinta u horseedayo in miisaaniyadda loo qoondeeyo ay noqonaysa boqolkiiba 35 islamarkaana dhallinyarada ay ka faa’iideystaan.