Wararka ka imaanaya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in halkaas Al-shabaab ay waaberigii saaka weerar ku qaadeen saldhig ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada Puntland.
Sida aan xogta ku heleyno, Al-shabaab ayaa weerarka ku bilowday hoobbiyeyaal iyo hubka fudud, waxaana ka dib xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kooxda Alshabaab.
Weerarka oo bilowday ka hor salaadii subax ayaa wararku waxay sheegayaan in waagu isugu baryay ciidamada Puntland iyo kooxdii weerarka soo qaadday
Majiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidanka Puntland iyo kooxda Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa horay u weerartay Af-urur oo 70 km u jirta magaalada Boosaaso, iyagoo ka gaystay halkaasi mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee Puntland.
In ka badan 50 askari oo ka tirsan ciiddanka Puntland ayay Al-Shabaab ku dishay weerar ay sanadkii 2017-kii ku qaadday deegaanka Af-urur, ka dib markii ay cagta mariyeen saldhig ciidanka Puntland ku lahaayeen Af-urur.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Al-Shabaab oo weerar ku qaadday tuulada Af-Urur ee gobolka Bari ee Puntland




