DHAGEYSO:Aisha Jumwa oo taageertay in lacagaha dugsiyada lagu bixiyo e-Citizen

0
255

Wasiiradda wasaaradda jinsiyadda ee dalka Aisha Jumwa ayaa taageertay qorshaha dowladda ee ah in lacagaha laga qaado ardayda ee loo yaqaano fiiska lagu bixiyo hannaanka casriga ee e-Citizen.
Waxay mas’uuliyiinta la soo doortay ku boorrisay inay dowladda garab ku siiyaan in dadweynaha la fahansiiyo muhiimadda ay arrintan leedahay.
Aisha Jumwa ayaa carrabka ku adkeysay in qorshahan uu yahay mid meesha looga saaraya falalka musuqmaasuqa si la is kula xisaabtamo lacagaha ay bixiyaan ardayda dhigta dugsiyada sare ee dalka.