DHAGEYSO:Agaasimihii guud ee hay’adda socdaalka Soomaaliya oo iscasilay

0
292

Agaasimihii guud ee hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Cabdul ayaa iska casilay xilkii uu hayay.
Mas’uulkan oo la sheegay inuu Soomaaliya ka tagay 20-kii bishii hore ee June ayaa ka mid ah shakhsiyaad gaaraya 18 oo ay xeer ilaalinta shaacisay magacyadooda.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamuud ayaa maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey dacwad ka dhan ah 18 sarkaal oo loo haysto waxyaabo kala duwan.
Eedaha loo jeediyey saraakiishan waxaa ka mid ah xatooyada xoolo dadweyne, been abuur dokumenti, musuqmaasuq, lunsasho iyo leexsashada xoolo dadweyne, ka faa’iidaysiga xafiis dowladeed iyo dayacaadda waajibaadka saarnaa.
Eedaysanayaasha ayaa isugu jira sagaal eedaysane oo xiran iyo sagaal eedaysane oo maqane ah.
Dadka la soo eedeyey ayaa ah saraakiil haysay maamulka dhexe sida agaasimayaal, madaxda ka tirsanayd laanta socdaalka iyo jinsiyadda, canshuuraha, ruqsad siinta ajaanibta iyo xilal kale.
Xeer ilaalyaha ayaa ugu baaqay maxkamadda inay soo muddayso dhagaysiga dacwadda loo haysto eedaysanayaasha waxaana hadalladiisa ka mid ahaa