DHAGEYSO:Afhayeenka dowladda oo sheegay in laga faa’iiday safarrada madaxweynaha ee dibadda

0
198

Afhayeenka dowladda dhexe Issac Mwaura ayaa sheegay in wadanka uu ka faa’iiday safarrada uu madaxweyne William Ruto ku tagay dalalka kale ee caalamka.
Waxaa uu xusay in tirada safarrada dibadeed ee hoggaamiyaha dalka ay ilaa iyo hadda ay tahay 39.
Issac Mwaura ayaa intaasi ku daray in heshiisyo uu madaxweynaha wadanka la soo galay dowladaha kale ay Kenya ka faa’iiday maalgalin uu qiimaheedu yahay 2 Tiriliyoon oo shilin.
Waxaa uu dhanka kale difaacay tallaabadii Isniintii hore wasiirrada dowladda dhexe lagu geeyay ismaamullada wadanka si ay dadweynaha ugu hoggaamiyaan dhir beeridda.

Issac Mwaura ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu soo bandhigay warbixintiisi ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay xilka afhayeenka dowladda dhexe.