Afhayeenka dowladda dhexe Isaac Mwaura ayaa difaacay safarrada uu madaxweynaha dalka William Ruto ku tago wadanka dibadiisa.
Waxaa uu Mwaura sheegay in safarradan uu dalka waxyaabo badan ka faa’iiday.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in madaxweyne Ruto uu hoggaanka qabtay iyadoo ay Kenya wajahaysa dhaqaale xumo sidaasi awgeedna uu ku dadaalaya inuu caqabaddan xalliyo.
Issac Mwaura ayaa sheegay inay caadi tahay in madaxda waddamada ay dibadda u safraan si ay u soo saxiixaan heshiisyo caalami oo ay ka mid tahay wada xaajood ku saabsan deymaha lagu leeyahay dalalkooda.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ka qayb galayay xaflad ay ku qalin jabinaysay gabadh uu dhalay David Sankok oo ka mid ah xildhibaannada golaha xeer dejinta ee bariga Afrika ee EALA.