DHAGEYSO:Abwaan Badal oo Muqdisho lagu aasay

0
779

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu aasay AUN Abwaan Badal Jaamac Xirsi oo xalay Kooxa Bistoolado ku hubeeysan ay ku dileen Dagmada Kaxda.
AUN abwaan Badal ayaa kooxo hubaysan toogteen xili uu salaadii Maqrib ka soo baxay Masjidka degmada kaxda ku yaala uuna xaafadiisa ku sii jeeday.
Qaar ka mid ah eheladiisa iyo dadkii kale ee aaska ka qaybgalay ayaa u tacsiyadeeyay waxayna maamulka degmada Kaxda ka codsadeen inay sharciga hor keenaan kuwii ka danbeeyay dilka abwaanka.

Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigi doonaan ciddii dishay Abwaan badal.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay Aaska Meydka Abwaan Badal Jaamac wuxuu sheegay inay hayaan xog ku saabsan dadkii dilay Abwaanka ayna ku daba jiraan saysana ka hari doonin ilaa ay gacanta ku soo dhigaan.
Guddoomiyaha ma sheegin Magacyada cidda ay ku tuhmayaan dilka Abwaan badal jaamac Xeri & sababta loo dilay, hayeeshee wuxuu sheegay in guryo badan aan lagu harsan doonin ilaa laga soo qabto dadka ka dambeeyay dilkiisa

Abwaan Badal Jaamac Xersi ayaa kamid ahaa odayaasha Dhaqanka Muqdisho, wuxuuna inta badan ka hadli jiray xaaladaha siyaasadeed ee dalka, sidoo kalena uu ka qeyb geli jiray doodaha Siyaasadeed ee markaas taagan wuxuuna ahaa shaqsi aan marna la ganban waxa uu aaminsan yahay ama sida uu u arko arinta taagan.