Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dowladda aysan ka lablabeyn doonin inay tallaabo ka qaado madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo qoyskiisa, haddii aysan u hoggaansamin amarka ah in hubka ay haystaan ay ku soo wareejiyaan guddiga bixiya shatiyada hubka ee wadanka.
Waxaa uu sheegay in qoyska madaxweynihii hore ee dalka ay haystaan hub sharci darro ah.
Ducaale ayaa ku adkeystay sheegashada ah in hoggaamiyihii hore ee wadanka uu maalgeliya dibadbaxyada mucaaradka ee ka dhanka ah dowladda dhexe, taasoo uu ku gacan seyray Uhuru Kenyatta.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Aadan Barre Ducaale oo sheegay in madaxweynihii hore ee dalka uusan sharciga...