DHAGEYSO:900 oo qoys oo deggan dhulka lagu muransan yahay ee Kirima oo ku heshiiyay in arrintan ay kala xaajoodaan qoyskiisa

0
390

Toddobaad ka dib markii maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee dalka ay dad aan diiwaangashanayn oo deggan dhul uu leeyahay qoyska maalqabeenkii geeriyooday ee Gerishon Kamau Kirima u qabatay muddo 70 maalmood ah oo ay halkaasi uga guurayaan ayaa hadda qaar ka mid dadkaasi waxay soo jeediyeen in arrintan ay kala xaajoodaan qoyska Kirima.
Ku dhawaad 900 oo qoys oo deggan dhul dhan 80 eekar oo ku yaalla gudaha beerta Kirima ee Njiru ayaa lagu soo warramayaa inay soo bandhigeen inay dhulkaasi iibsadaan.
Waxay dhulkan ku doonayaan qiimo jaban.
Waa kuwaan qaar ka mid ah oo warbaahinta la hadlay