Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kiambu ayaa sheegaya in xalay uu dab saameeyay mid ka mid ah goobaha ay seexdaan ardayda dhigta dugsiga sare ee gabdhaha ee St. Mary’s Girls Thigio.
Dhacdadan ayaa sababtay in 90 arday oo dugsigaasi dhigtay ay hooy la’aan noqdaan.
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dabkaas oo la soo tabiyay xilli habeen oo ay ardayda isku diyaarinayeen inay seexdaan, in kastoo ay baaritaano socdaan.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala deegaanka hoose ee Ndeiya ee deegaan baarlamaaneedka Limuru ee ismaamulka Kiambu Stanley Mutua, ayaa sheegay inuunan jirin arday ku dhintay ama ku dhaawacmay dabka.