Waxaa la xaqiijiyay dhimashada sideed ruux ka dib shil barqanimadii maanta ka dhacay waddada xiriirisa magaalooyinka Narok iyo Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.
Shilka ayaa dhacay abaare 10-kii barqanimo ka dib markii gaari nooca xaamulka qaada uu mid ka mid ah taayarradiisa dilaacay.
Waxaa shilkan oo ay lug lahaayeen lix baabur iyo mooto laga soo tabiyay aaga Matauro ee deegaanka hoose Duka Moja.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaburka xamuulka qaada uu ku dhacay gaari Toyota Premio, baabur nooca raaxada ee Prado, baska shirkadda ENA Coach iyo gadiidka dadweynaha ee mataatuda oo ay leedahay shirka Narok-Line.
Saddex ka mid ah dadkii saarnaa gadiidka mataatuuda ayaa isla goobta ku dhintay.
Sidoo kale labo ka mid ah rakaabkii saarnaa gaariga nooca raaxada ee Prado ayaa isla goobta ku dhintay halka mid kalena uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray xilli lagu daweynayay isbitaalka weyn ee ismaamulka Narok.
Waxaa sidoo kale dhintay labo qof oo saarnaa mootada dhugdhugleyda.
Meydadka dadka dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Narok, halka kuwa ku dhaawacmay shilkan oo aan tiradooda la shaacin lagu dabiibayo xarumo caafimaad oo kala duwan.
Burburtii shilkan ku lug lahayd iyo mootada ayaa loo jiiday saldhigga booliiska ee Ntulele, si baaritaanno loogu sameeyo.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha shilkan ayaa warbaahinta u warramay.