7 qof ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen ka dib markii ay ku soo duntay goob laga qodo macdanta gaar ahaan dahabka ee ku taalla deegaan baarlamaaneedka Rarieda ee ismaamulka Siaya.
Dhacdadan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa afar qof.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in dhacdadan laga soo tabiyay tuulada Lumba ee deegaanka hoose ee bartamaha Asembo.
Waxaa arrintan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee dowlad deegaanka Siaya Cleti Kimaiyo.
Taliyaha ayaa xusay in dadka dhaawacmay loola cararay isbitaalka deegaanka Bondo si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Qoysaska ay arritan saameysay ayaa baaq u diray dowaldda.