DHAGEYSO:5 qof oo lagu dilay xadka Wajeer iyo Isiolo

0
654

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Isiolo Herman Shambi ayaa xaqiijiyay in weerar ka dhacay aagga loo yaqaano Madowale oo ka tirsan deegaanka Merti ee Isiolo lagu dilay 5 qof.
Waxaa weerarka aroornimadii hore gaystay koox hubeysan.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dhacdadan ay salka ku hayso muran dhanka biyaha iyo daaqa iyada oo weerarka dab lagu qabadsiiyay ceel biyood.
Waxaa uu intaa ku daray in ay socdaan baaritaano lagu xaqiijinaya sababta weerarka loogu soo qaaday dad hooygooda jiifay.
Shambi oo Khadka taleefoonka ugu warramay warbaahinta Citizen ayaa xusay in la guda galay howlgallo lagu raadinaya burcadda isagoo dhanka kale shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii 6 qof oo xoolo dhaqato ah lagu dilay iskudhac dhexmaray qowmiyadaha Turkana iyo Samburu .