DHAGEYSO:5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada Nakuru-Eldoret

0
243

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada shan ruux ka dib shil ka dhacay magaalada Timboroa ee waddada wayn ee isku xirta magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret.
Shil ayaa abaare 1:40 habeenimo ee xalay laga soo tabiyay aagga Mlango Tatu.
Waxaa uu u dhexeeyay labo bas, gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda iyo labo baabuur oo si gaar ah loo leeyahay.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen isla goobta uu shilka ka dhacay.
Labada ruux ee kale ayaa geeriyooday xilli dhaawacyo ka soo gaaray shilka looga daaweynayay isbitaalka degmada Eldama Ravine .
10 qof oo kale oo dhaawac ah ayaa hadda lala tacaalaya xaaladooda caafimaad.
Taliyaha booliiska ee Koibatek, Joseph Onyaga oo idaacadda Radio Citizen khadka taleefoonka ugu warramay ayaa faahfaahin ka bixiyay shilka dhacay isagoo baaq u diray gaadiidleyda.