Waxaa la xaqiijiyey dhimashada afar ruux halka laamaha ammaanka ay soo badbaadiyeen 11 kale oo hadda la geeyay isbitaallada si ay daryeel caafimaad u helaan ka dib markii dadkan ay qaateen talo uu siiyay mid ka mid ah baadariyaasha deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi.
Baadariga oo lagu magacaabo Paul Mackenzie ayaa ka howlgalo kaniisadda Good News International waxaa uuna dadkan u sheegay inay soomaan ilaa iyo inta ay ka geeriyoonayaan.
11-ka qof ee la soo badbaadiyay ayaa isbitaallada la geeyay iyagoo aad u tabar daran maadaama ay ka af xirteen cuntada iyo biyaha.
Qaar ka mid ah shacabka Malindi ayaa talada baadariga ku tilmaamay mid dadweynaha marin habaabinaysa oo aan diin ku saleysnayn.