Ilaa iyo hadda waxaa ismaamulka Kiambu cudurka daacuunka ugu dhintay afar qof ka dib markii la diiwaangeliyay labo dhimasho oo dheeraad ah.
Labadii bilood ee ugu dambeeyay dad ay tiradoodu gaaraysa 286 qof oo ka mid ah shacabka Kiambu ayuu saameeyay daacuunka.
Waxaa hadda isbitaallada ku jiro oo xanuunka laga daaweynaya ugu yaraan 15 qof.
Dadkan badandkooda waxay ka soo jeedaan deegaannada hoose ee Gatong’ora, Murera ,Kiratina iyo aagga loo yaqaano Prison area .
Labada qof ee ugu dambeeyay ee xanuunka u geeriyooday ayaa lagu daaweynayay isbitaalka heerka afaraad ee deegaan baarlamaneedka Ruiru .
Peter Mwaura oo ka mid ah shacabka deegaanka hoose ee Gatong’ora ayaa warbaahinta u sheegay in dadka uu daacuun soo ritay ka dib markii ay cabeen biyo aan nadiif ahayn.
Waxaa uu dowladda hoose ee Kiambu ugu baaqay inay xalliso nadaafad darro uu sheegaya inay ka jirto qaybo ka mid ah deegaannada ismaamulkaasi.