DHAGEYSO:4 ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo loo xiray bas lagu gubay Nairobi

0
396

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay afar ka mid ah wadayaasha mootooyinka.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa fal dab lagu qabadsiiyay bas ay leedahay shirkadda basaska ee Kenya Bus Services.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baska la dhagaxeeyay , la burburiyay ka dibna lagu gubay waddada Gitanga Road ee ismaamulka Nairobi.
Tani ayaa timid ka dib markii ay isku dhaceen baska iyo mooto taasoo sababtay inuu geeriyooday mid ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda .
Wadayaasha mootooyinka ayaa darawalka baska oo baxsaday ku eedeyay inuu baabuurka u kaxeynayay si xowli ah halka qofka dhintay uu isku dayayey inuunan god ku dhicin.
Waxay laamaha ammaanka ugu baaqeen inay dardargeliyaan baaritaannada la xiriira shilka dhacay si ay cadaalad u helaan ehellada qofka dhintay oo hadda meydkiisa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee City Mortuary.
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqeen in waddadaasi aynan wanaagsanayn sidaasi awgeedna ay barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ugu baaqayaan inuu dayactiro.

Dhanka kale mid ka mid ah mas’uuliyiinta wadayaasha mootooyinka ayaa cambaareeyay falka lagu gubay baska