DHAGEYSO:300 oo neef oo ku dhintay Tana River

0
422

Waxaa lagu soo warramayaa in ilaa 300 oo neef oo lo’ ah ay ku dhinteen tuulada Kone ee Tana Delta oo ka tirsan ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta.
Tirada xoolaha ee halkaasi ku nafwaayay ayaa la diiwaangeliyay ku dhawaad saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.
Shacabka halkaasi ku nool ayaa sheegay in xoolaha ay ka dhammaadeen ka dib markii ay cabbeen biyo ay rumeysan yihiin inay sumeysnaayeen.
Waxay baaq u direen dowladda dhexe oo ay ka codsadeen inay baaritaan qoto dheer ku sameyso dhacdadaasi.