DHAGEYSO:30 dugsi oo lagu xiray ismaamulka Nakuru

0
678

Saraakiisha waxbarashada oo kaashanaya ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nakuru ayaa albaabada isugu dhuftay 30 ka mid ah goobaha tacliinta.
Waxaa tallaabadan loo aaneeyay in aynan dhaqangelin xeerarka dowladda ee la xiriira hirgelinta manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC.
Sidoo kale waxaa aynan iska diiwaangelin hannaanka lagu maareeyo macluumaadka waxbarashada ee loo yaqaano NEMIS.
Ciidamada ammaanka ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay howlgallada ay tan iyo shalay ku xirayeen dugsiyada.