DHAGEYSO:3 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada u dhexeysa Nakuru iyo Eldoret

0
272

Waxaa la xaqiijiyay in saddex qof oo ay ka mid yihiin labo carruur ah ay ku dhinteen shil ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret.
Tani ayaa timid ka dib markii bas ay ku safrayeen uu ku dhacay mid ka mid ah baabuurta xamuulka iyo gaari si gaar ah loo leeyahay.
Shilka ayaa xalay fiidkii laga soo tabiyay aagga Kamara ee deegaanka Waqooyi Kuresoi.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in baska oo ka yimid Nakuru kuna wajahna Eldoret ay cillad farsamo ku timid ka hor inta uunan shilka gelin.