Waxaa lagu soo warramayaa in koox burcad ah ay qoys ka kooban saddex qof ku dishay ismaamulka Baringo.
Dadka la dilay ayaa isugu jiray aabbe, hooyo iyo canug ay dhaleen oo saddex jir ah.
Dilka ayaa laga gaystay tuulada Chemoe ee waqooyiga ismaamulka Baringo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda ay u suurtagashay inay ka badbaadaan weerarka ay burcadda saddexda qof ku dishay.
Dowladda ayaa loogu baaqay inay xoojiso ammaanka dowlad deegaanka Baringo.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Waqooyiga Baringo, Joseph Makilap, ayaa ugu baaqay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki in uu qaado tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo arrintan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga.
Dowladda ayaa horraan ballan qaaday inay xoojineysa ammaanka waqooyiga Rift Valley .
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa dowladda ugu baaqay in dhacdadii ugu dambeysay ay si adag uga falceliso.