DHAGEYSO:250 neef oo isugu jiro Ari iyo lo’ oo laga dhacay Galbeedka Laikipia

0
320

Koox burcad ah ayaa 150 neef oo Ari ah kala baxsaday tuulada Village-18 ee oo ku taalla deegaanka hoose Githiga ee Galbeedka ismaamulka Laikipia.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale burcadda ay la baxsatay 100 neef lo’ ah.
Waxaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee aagaasi Henry Mbogo
Sarkaalkan ayaa sheegay in la howlgeliyay ciidamo dheeraad ah oo ku raad joogo burcadda si ay gacanta ugu soo dhigaan.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ee xoolaha laga dhacay ayaa warbaahinta la hadlay.