DHAGEYSO:228 qof oo ku dhintay daadadka saameeyay Kenya

0
268

Tirada dadka ku dhintay fatahaadaha ka dhashay roobabka culus ee wadanka ka da’aya ayaa gaartay 228 ruux.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 227,238 ruux ay saameeyeen daadadka guud ahaan wadanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in weli la la’yahay 72 qof .
Qoysaska barakacay ayaa ah 42,526 iyadoo ay dhaawacmeen ugu yaraan 164 qof.
Afhayeenka dowladda dhexe Isaac Mwaura ayaa sheegay in tiradu ay sii korortay ka dib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay la diiwaangeliyay 9 dhimasho ah.
Dadkan ayaa isugu jiro 7 qof oo waawayn iyo 2 carruur ah.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay tacsi u diraysa dadka ehelladooda ay ku dhinteen fatahaadaha.
Ismaamullada ay saameynta ugu badan ee daadadka soo gaartay waxaa ka mid ah Nairobi, Homa Bay, Kajiado iyo Mandera sida uu sheegay afhayeenka dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladdu ay il gaar ah ku eegaysa qaybaha nugul ee bulshada marka la bixinaya gargaarka isagoo kenyaanka iyo beesha caalamka ka codsaday in ay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinaya dhibbanayaasha fatahaadka.

Issac Mwaura ayaa dhanka kale dadka deggan meelaha u dhow ilaha biyaha ku boorriyay in ay u hoggaansamaan amarkii la siiyay ee ahaa in ay halkaasi ka guuraan.
Waxaa uu ka digay in laga fogaado siyaasadeynta howlaha daadgureynta shacabka si loo xaqiijiyo badqabkooda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu aynan marnaba oggolaan doonin in dadka u dhow webiyada iyo biyo xireenada ay ku laabtaan goobihii ay degganayeen ee laga soo daadgureeyay.
Mwaura oo shaaciyay tirada dadka la daadgureeyay ayaa cadeeyay in ilaa iyo hadda uunan jirin qof daadgureynta ku nafwaayay.

Dhanka kale, afhayeenka dowladda dhexe ayaa digniin u diray shacabka gobolka Xeebta isagoo sheegay in qof kallumeysato ah uu ku geeriyooday ismaamulka Kilifi.
Waxaa uu xusay in sida ku cad saadaasha hawada laga cabsi qabo dabeylo culus iyo roobab dheeraad ah in kastoo duufaanta xooggan ee Hidaya ay u wareegtay dhanka Tanzania.
Mwaura ayaa dadweynaha xeebta uga digay isticmaalka doomaha yaryar iyo howlaha kallumeysiga .